Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in shakhsiyaad ku eedeysan musuqmaasuq oo uu ka mid yahay barasaabkii hore ee ismaamulka Murang’a, Mwangi Wa Iria ay hadda ku sugan yihiin saldhigga booliiska ee xarunta dhexe ee EACC.
Waxay halkaasi u tageen in ay farriimo qoraan sidoo kalena farahooda la qaado.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay uu garsooraha maxkamadda sare Prof .Nixon Sifuna uu tuhmanayaasha ku amray in ay si degdeg ah iskaga xaadiriyaan xarunta dhexe ee guddiga EACC ee magaalada Nairobi ka hor inta aynan maanta u sii gudbin maxkamadda Milimani oo ay doonayaan in ay racfaan ka qaataan.
Mwangi Wa Iria iyo tuhmanayaasha kale ayaa loo haystaa in ay dowladda ismaamulka Murang’a intii u dhexeysay 2015-kii ilaa 2016-kii ay ka lunsadeen 140 milyan oo shilin iyagoo qaab aan habboonayn u bixiyay qandaraasyo sidoo kalena sameeyay qaladaad kale.
Waxay maxkamaddu shalay amartay in haddii aynan tixgelin amarka la siiyay in gacanta lagu dhigo balse waxay saaka tageen xarunta dhexe ee guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Eedeysanayaasha dacwadda lagu soo oogi doono ayaa kala ah Mwangi Wa Iria, xaaskiisa Jane Waigwe Kimani, walaalkeed oo lagu magacaabo Solomon Mutura Kimani ,Patrick Kagumu Mukuria, Jane Wanjiru Mbuthia, David Maina Kiama iyo David Mamma Njeri.




