Guddoomiyihii hore ee arrimaha dhulalka Sammy Mwaita oo la xiray

0
375

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in xabsiga loo taxaabay Sammy Silas Komen Mwaita oo horay u soo noqday guddoomiyihii arrimaha dhulalka iyo xildhibaanka Bartamaha ismaamulka Baringo.
Waxaa loo haystaa fadeexad dhuleed oo malaayiin shilin ah taasoo laga soo tabiyay xaafadda Nairobi West .
DCI ayaa sheegtay in Mwaita laga qabtay xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi oo uu wajahaya dacwado kala duwan sida hagardaamo, dokumeenti uu diyaariyay oggolaansho la’aan, awooddiisa xafiiseed oo uu si khaldan u adeegsaday iyo inuu macluumaad aan sax ahayn siiyay sarkaal dowladeed.
Tallaabada lagu xiray Mwaita ayaa timid ka dib amar uu bixiyay xafiiska agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka ee (ODPP) oo ku saabsanaa dhulal ku yaalla agagaarka waddada Mai Mahiu Road ee xaafadda Nairobi West.
Tuhmanaha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin waxaana dhanka kale la raadinaya shakhsiyaad kale oo fadeexaddan ku lug leh.