SAWIRRO:Guddoomiye xaafadeedka Bula Mzuri ee Garissa oo musuqmaasuq loo xiray

0
361

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in la xiray guddoomiye xaafadeedka Bula Mzuri ee magaalada Garissa Cabdiraxmaan Shaafici Yuusuf.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu eedeeyay inuu lacago laaluush ah ka qaadanayay dadka qaxootiga ah ee adeegyada uga baahdo xafiiskiisa.
Waxaa lagu soo qabtay howlgal ay fuliyeen saraakiisha guddiga EACC ee Garissa ka dib cabashooyin badan oo ay la soo wadaageen dhibbanayaal.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiye xaafadeedka uu dalbanayay in la siiyo 3000 oo shilin sii uu qofka adeegga u baahan ula kulmo sidoo kalena in qofka uu bixiyo 10,000 si uu helidda adeegga ugu dardargeliyo.
EACC ayaa sheegtay in ay howlgalka ku soo heshay 139,000 oo shilin oo la rumeysan yahay in ay tahay lacag laaluush ah oo uu dadweynaha ka qaatay.