Guddoomiye Wamatangi oo sheegay in naftiisa ay halis ku jirto

0
393

Barasaabka dowlad deegaanka Kiambu, Kimani Wamatangi, ayaa sheegay in naftiisa ay halis ku jirto ka dib markii gaari aan la garanayn oo siday saddex qof uu daba socday kolonyadiisa, taasoo keentay inuu dalbado in ammaankiisa la xoojiyo.
Dhacdadan ayaa walaac weyn dhalisay iyadoo maalmo ka hor lagala laabtay inta badan illaaladiisa.
Wamatangi ayaa qorsheynaya inuu arrintan si rasmi ah ugu soo bandhigo Taliyaha Guud ee Booliiska si baaritaan loogu sameeyo, isla markaana uu hubiyo in ammaankiisa la adkeeyo si looga hortago hanjabaadaha suurtogalka ah.
Dhacdadan ayaa timid toddobaad uun ka dib markii Maxkamadda Sare ay amartay in la xannibo akoonkiisa bangiga, akoonada xaaskiisa iyo carruurtiisa, iyo toban qof oo kale oo ku lug leh kiis musuqmaasuq oo gaaraya 813 milyan.