Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Muuddeey ayaa sheegay in maanta laga celiyay diyaarad uu u raaci lahaa magaalada Baraawe oo lagu qabanayo doorashada kursiga uu ku fadhiyay.
“Maanta waxaa dhacday in diyaarad la’iga reebay, Aadan Cadde la igu celiyo, aniga iyo waardiyeyaashayda ayaa la iga celiyay in aan aaddo Baraawe, diyaaraddii waxaa lagu amray ninkaasi masoo qaadi kartid, waxaa la isku dayay in la yiraahdo afar qof oo odayaal ah oo isaga la socda hala soo qaado, balse waxaa la yiri isaga xitaa ma iman karo, markii aan weydiiyay qolada diyaaradaha waxay yiraahdeen amar ayaa nala soo siiyay, maamulka Koonfur Galbeed ayaa amarka nasoo siiyay” ayuu yiri Cabdiweli oo la hadlayay Taleefishinka Shabeelle.
“Qolada duulista hawada sare Baraawe waxa ay diyaaradda ku yiraahdeen haddii aad soo qaaddaan diyaaradda oo dhan ayaan rideynaa” ayuu yiri Cabdiweli Muudeey oo sii hadlayay.
Muudeey wuxuu sheegay in arrinka ku dhacay ay tahay mid gef ah, oo lagu xad gudbayo xuquuqdiisa asaasiga ah.
Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere oo baraha bulshada kusoo qoray jawaabo uu siinayay dad naqdinayay waxa ku dhacay Muudeey ayaa sheegay in Muudeey aanan laga celin diyaaradda ee la diiday ciidanka la socda, dowlad goboleedyadana ay xaq u leeyihiin in ay ogolaadaan ama diidaan haddii wax ciidan ah dhankooda loo daabulayo, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Maamulka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaanan wax war ah kasoo saarin eedeynta Muudeey, iyada oo sidoo kale weli aanan la shaacinin kursigii Muudeey goorta la qabanayo, iyo dadka ku loolamaya.
“Kursiga qabiil ayaa iska leh, qofna ma leh, marka kursigii in dad yiraahdaan qofka aan anaga rabin uma tartami karo wax la iska yeelayo ma ahan” ayuu yiri Muudeey oo sheegay in uu garanayo shaqsiyaadka ka dambeeya waxa ku dhacay.
Cabdiweli Muudeey oo labo jeer soo qabtay xilka guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa udub dhexaad u ahaa waxyaabihii ka dhacay baarlamaanka, gaar ahaan xillihii guddoomiye Jawaari xilka uu ka dagayay ee mooshinka laga qabtay, kaas oo uu laftiisa shaaciyay in uu hayo mooshin ka dhan ah Jawaari.
Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Muudeey uu kursiga ku waayay damac ku saabsan xilka guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo siyaasiyiin kale ay u biro tumanayaan.
Waxaa dib loosoo doortay inta badan guddoonkii baarlamaanka 10-aad , sida guddoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalle Cawad.