Waxaa lagu soo warramayaa in xabsiga loo taxaabay Cai Esheng, oo horay guddoomiye ku xigeen uga soo noqday guddiga maareeya adeegyada bangiyada ee dalka Shiinaha.
Mas’uulkan oo howlgab noqday sanadkii 2013-kii ayaa loo haystaa laaluush qaadasho.
Waxaa uu ka mid noqday mas’uuliyiin iyo xeer dejiyaal ay saameyn ku yeesheen howlgallada ka dhanka ah musuqmaasuqa ee ka socdo Shiinaha.
Cai Esheng, ayaa sidoo kale wajahaya eedeymo ku saabsan inuu awoodiisa ku takriifalay sida laga soo xigtay waaxda dacwad oogidda ee wadankaasi.