Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo ku baaqday in ay is casilaan saraakiisha adeegsaday shahaadooyin faalis ah

0
289

Ku xigeenka guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Gladys Boss ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dowladdu ay muddo u qabato oo ay is casilaan shakhsiyaadka adeegsaday shahaadooyinka waxbarasho ee been abuurka ah ee lagu shaqaaleysiiyay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo guddiga adeegga dadweynaha ee PSC, guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC iyo waaxda dambi baarista ee DCI ay baaritaano wadaan.
Waxay iska kaashanayaan sidii wadanka looga cirib tiri lahaa falalka isticmaalka shahaadooyinka tacliinta ee faaliska ah ee lagu raadsado fursadaha shaqo iyo dallacsiinta.
Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa horay baaritaan uu sameeyay ku ogaaday in ugu yaraan 2,000 oo ka mid ah shaqaalaha dowladda lagu howlgeliyay shahaadooyin been abuur ah.