Waxaa lagu soo warramayaa in la dilay guddoomiyaha gobolka Galbeedka Daarfuur ee dalka Suudaan Khamis Abakar.
Tani ayaa timid ka dib markii uu guddoomiyaha goob fagaare ah eedeyn uga jeediyay ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF ee Suudaan isagoo ku eedeyay inay ka dambeeyaan dilalka shacabka dalkaasi.
Khamis ayaa xusay in RSF iyo dagaalyahaano gacansaar la leh ay gaysteen xasuuq shacab.
Waxay arrintan ku soo aadaysa iyadoo dagaalka u dhexeya militariga Suudaan iyo ciidamada RSF oo soo billowday 15-kii bishii Afaraad ee sanadkan uu hadda ku sii fidaya magaalooyinka ku yaalla Galbeedka Suudaan.
Militariga Suudaan ayaa dhankiisa baraha bulshada ku sheegay in RSF ay ka dambeysay afduubka iyo dilka guddoomiyaha in kastoo aynan weli eedeynta ka jawaabin.