Guddoomiye cusub oo loo magacaabay maamulka NTSA

0
344

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Cali Nuur Aadan u magacaabay guddoomiyaha maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA.
Mr. Cali oo xulafa la ah madaxweyne Ruto kana soo jeeda gobolka Waqooyi Bari, ayaa doorashadii guud ee sanadkii hore ku guuldareystray inuu u tartamo kursiga baraasbnimo ee ismaamulka Mandera.
Waxaa uu mas’uulkan sidoo kale xubin ka soo noqday guddiga racfaanka ee shatiga gadiidka.
Cali Nuur Aadan ayaa xilka guddoomiyaha NTSA wuxuu kala wareegay Agnes Odhiambo uu u sanadkii 2020-kii soo magacaabay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu xilkan si rasmi ah ula wareegay 3-dii bishan, isagoo si hayn muddo saddex sano ah.