Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa shaqada ka joojiyay guddoomiyaha xisbiga Conservative Nadhim Zahawi .
Tani ayaa timid ka dib markii baaritaano lagu sameeyay canshuur bixinta siyaasigan lagu ogaaday inuu dembi sameeyay.
Baaritaanka oo lagu sheegay mid madax bannaan ayaa lagu ogaaday in Zahawi uu dadka marin habaabiyay ka dib markii uu sheegay in warbixinno la soo saaray bishii Toddobaad ee sanadkii hore oo ku saabsanaa in uunan canshuurta bixin ay ahaayeen kuwo sumcadiisa lagu dhaawacyay.