Guddoomiyaha guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka (SRC), Lyn Mengich ayaa walaac ka muujisay soo jeedinta la xiriirta in la dhimo da’da ay howlgabka ku noqdaan shaqaalaha dowladda.
Waxay sheegtay in tani ay culeys dheeraad ah ku keenaysa hannaanka bixinta lacagaha howlgabnimada iyo in ay meesha ka saareysa shaqaale wanaagsan oo khibrad leh oo weli waxqabadkooda loo baahan yahay.
Wareysi ay Mengich siisay idaacadda maxalliga ee Capital FM ayay ku sheegtay muhiimadda ay leedahay in da’da howlgabnimada ay sii ahaato 60 sano iyadoo cuskanaysa wax soo saarka shaqaalaha.
Mengich ayaa sheegtay in loo baahan in laga doodo waxa suurtagalka ah.
Waxay carrabka ku adkeysay in haddii uu qofku shaqada uga fariista 55 sano ay micnaheedu tahay inuu ku biiraya hannaanka howlgabnimada isagoo weli awood u leh inuu shaqadiisa ka soo baxo.
Arrintan ayay ka hadashay xilli ay ka falcelinaysay dacwad uu gudbiyay Charles Chege bishii Febraayo ee sanadkan.
Waxaa uu doonaya in meesha laga saaro xaddiidaada da’da uu qofka uga sii shaqeyn karo waaxyaha dowladda iyo kuwa gaarka ah oo ay ka mid yihiin shakhsiyaadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Dacwaddan ayaa hadda hor taalla garsooraha maxkamadda sare ee dalka Lawrence Mugambi, waxayna ku saleysan tahay in qofka loo oggolaado inuu sii shaqeeyo inta uu awoodo xita haddii ay da’diisu ka sarreysa 60 sano.