Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Narok ,Isaac Masinde ayaa shaqaalaha dowladda ee halkaasi ku sugan uga digay inay dadweynaha ka qaataan lacago laaluush ah si ay ugu adeegaan.
Waxaa uu Masinde xusay in howlwadeennada dowladda dhexe iyo ismaamullada labaduba laga doonaya inay adeegyada bulshada u fidiyaan si hagar la’aan ah.
Guddoomiyaha ayaa wacad ku maray in sarkaalkii lagu helo musuqmaasuq gacanta lagu dhigi doono si maxkamad loo soo taago.
Waxaa uu cadeeyay in qof waliba oo kenyaan ah uu xaq u leeyahay in looga adeego dhammaan xafiisyada dowladda iyagoo aan la eegayn deegaanka uu qofkaasi dhalasho ahaan ka soo jeedo ama qabiilkiisa.




