Guddoomiyaha Nairobi oo sheegay in barnaamijka nadiifinta deegaanka uu yareeyay dembiyada

0
308

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in barnaamijkii shaqo abuurka loogu sameeyay dhallinyarada ee Kazi Mtaani ee ay deegaannadooda ku nadiifinayeen uu boqolkiiba 47 hoos u dhigay falal dambiyeedyadii laga gaysan jiray gudaha caasimadda dalka.
Sakaja ayaa xusay inuu faa’iidooyin badan lahaa barnaamijkan oo uu madaxweynaha dalka William Ruto meesha ka saaray bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in aan laga maarmin nidaamyada noocani ee shaqo abuurka ah maadaama dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi aynan howlgelin karin dhammaan dadka u baahan in la shaqaaleysiiyo.