Barasaabka ismaamulka Migori ,Ochillo Ayacko ayaa ku baaqay inay cadaalad helaan dad ay waxyeello ka soo gaartay falcelinta ciidamada booliiska xilligii ay socdeen dibadbaxyadii mucaaradka.
Ochilo ayaa saraakiisha booliiska ku eedeyay inay dhaawaceen oo ay dileen dad aan waxba galabsan oo muujinayay sida ay uga xun yihiin qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in ay dhinteen ama dhaawacmeen shakhsiyaad ka qayb qaadanayay mudaaharaad uu oggolyahay dastuurka dalka.
Dibadbaxyo toddobaadkii hore ka dhacay ismaamulka Migori ayaa waxaa ku dhintay hal qof waxaana ku dhaawacmay 13 dheeraad ah.