Barasaabka ismaamulka Mandera Maxamad Aadan Khaliif oo ka hadlay arrimaha ammaanka ayaa walaac ba’an ka muujiyay weerarrada si kordhaya ay Al-Shabaab ka wadaan dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu sheegay in waddooyinka dowlad deegaanka Mandera ay boqolkiiba 60 ka taliyaan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha wadanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa xusay in weerarrada Al-Shabaab ay sameyn ku yeesheen adeegyadii laga fulin lahaa deegaannada ismaamulkaasi.
Hadalka Mr. Khaliif ayaa yimid iyadoo muddooyiinkii la soo dhaafay ay Al-Shabaab weerraro ay dad ku dileen ka gaysteen qaybo ka mid ah ismaamullada gobolka Waqooyi Bari iyo gobolka Xeebta ee dalka.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan looga arrinsanayay amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa falalka amni darro ee Al-Shabaab ka gaystaan gobolka Waqooyi Bari kaas oo lagu qabtay dowlad deegaanka Wajeer.
Madaxda siyaasadeed ee laga soo doortay gobolka Waqooyi Bari ayaa ku baaqeen in loo istaago sidii looga hortagi lahaa argagixisada.
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha Mandera oo sheegay in Al-Shabaab ay boqolkiba 60 maamulaan waddooyinka ismaamulkaasi