Guddoomiyaha maamulka KeRRA oo dacwad laga gudbiyay

0
247

Waxaa maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka loo gudbiyey dacwad ka dhan ah guddoomiyaha guddiga maamulka waddooyinka degmooyinka ee (KeRRA) Prof .Oyuko Mbeche.
Waxaa maxkamadda dacwadda geeyay , Shadrack Muriithi oo ku doodaya in muddo xileedkii Mbeche uu dhammaaday bishii Tobnaad ee sanadkii hore sidaasi awgeedna la doonaya inuu xafiiska banneeyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in guddoomiyaha oo xafiiska sii joogo ka dib markii ay dhammaaday muddo xileedkiisa shaqo ay xadgudub ku tahay dastuurka dalka.
Maxkamadda ayaa dacwaddan mar kale soo hadal qaadi doonto 5-ta bisha Toddobaad ee sanadkan waxaana loo bandhigi doonaa garsoore Nduma Nderi.