Guddoomiyaha maamulka KEMSA oo ballanqaaday inuu isbeddel sameynaya

0
186

Irungu Nyakera oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay guddoomiyaha guddiga maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA ayaa ballanqaaday inuu sameynaya isbeddel ballaaran.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu meesha ka saari doono fadeexadaha ku soo noqnoqday KEMSA oo ka mid ah shirkadaha dowladda.
Shalay ayay ahayd markii uu hoggaamiyaha dalka waxba kama jiraan ka soo qaaday tallaabadii lagu magacaabay guddoomiyaha KEMSA iyo xubnaha guddiga.
Nyakera ayaa horay xoghaye joogta ah uga soo noqday wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo baaritaano lagu hayo eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyo maamul xumo saameysay KEMSA.
Nyakera ayaa qoraal uu saaka soo dhigay barta Twitter-ka waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto uga mahadceliyay xilka uu u magacaabay isagoo xusay inuu waajibaadka saaran u gudan doono sida laga doonaya.
Waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in aynan fududeyn in la sifeeyo KEMSA balse uu dadaali doono inta awoodiisa ah.
Dhawaan ayay ahayd markii ay soo ifbaxday fadeexad saameysay maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 3.7 bilyan oo shilin.