Barasaabka ismaamulka Kisumu Prof. Anyang Nyong’o ayaa guddiga adeegga dadweynaha ee dowlad deegaankaasi ku amray in uunan mushaar siin saraakiisha caafimaadka ee shaqo joojinta ku howlan.
Waxaa uu dhanka kale bogaadiyay dhakhaatiir dhowr ah oo weli shacabka Kisumu u fidinaya adeegyada muhiimka ah.
Nyong’o ayaa sidoo kale maanta bayaan ku sheegay in ay ka go’an tahay inuu dhakhaatiir ku shaqaaleysiiyo qaab qandaraas ah si ay u beddelaan kuwo tababarro ka qaadanaya isbitaalka wayn ee Jaramogi Oginga Odinga Teaching and Referral hospital.
Waxaa uu xusay in go’aanka uu qaatay uu ku wargeliyay xoghayaha ismaamulkaasi.
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha Kisumu oo amray in aan mushaar la siin dhakhaatiirta shaqo joojinta...