Barasaabka ismaamulka Kakamega Fernandes Barasa ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay soo saarto miisaaniyadii ay ahayd inay qaataan oo aan weli lagu wareejin.
Barasa ayaa hoosta ka xarriiqay in lacagaha ismaamullada uga maqan dowladda dhexe ay yihiin 66 bilyan oo shilin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha ee dalka Prof. Njuguna Ndung’u uu horay u ballanqaaday in dowlad deegaannada ay lacagaha ka maqan heli doonaan bishii hore ee May balse taasi aynan ilaa iyo hadda dhicin.