Barasaabka ismaamulka Isiolo Cabdi Guyo ayaa ka bad baaday isku day xil ka qaadis ah kadib markii aqalka Senetka ay go’aamiyeen in baarlamaanka hoose ee dowlad deegaanka Isiolo uusan si sax ah u yeelan fadhi ka doodis iyo cod u qaadis mooshinkii lagu doonayay in xilka looga qaado.
Bayaan ka soo baxay Senatka oo la soo dhigay barta X ayaa lagu sheegay in 31 senator ay u codeyeen in la taageero diidmo horudhac ah oo ay soo gudbiyeen kooxda qareenada ee Guddoomiyaha oo soo xigtay cilladaha habraaca ee fadhiyada Golaha Deegaanka ee qabsoomay 18-kii iyo 26-kii June 2025.
11 Senatar oo taageersan xil ka qaadista ayaa ka hoos maray heerka dastuuriga ah.
Senetarada oo shalay ka soo laabtay fasax gaaban oo ay ku maqnaayeen ayaa yeeshay fadhi lagu eegaayay mooshinka ka dhanka ah Guyo oo wakiilada deegaanada Isiolo ay xilka ka xayuubiyeen isbuucii la soo daafay.
16 ka mid ah 18 ka xubnood ee Golaha Deegaanka ee u codeeyay in xilka laga xayuubiyo barasaabka ayaa waxaa ay ku eedeeyeen inuu si aan caadi ahayn u magacaabay 36 lataliye iyo 31 sarkaal oo madax ah, bixinta qandaraasyo khaldan, iyo joojinta mashaariicda horumarineed ee gobolka.