Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka (IEBC) Edung Ethekon ayaa ku adkeystay in xatooyada doorashada ee Kenya ay tahay “wax aan macquul ahayn,” isagoo soo xiganaya tallaabooyin hufnaan oo la xoojiyay, tiknoolajiyad la hagaajiyay iyo raadad baaritaan oo adag oo guddigu ku sameeyay doorashadii ku celiska ahayd oo dhacday 27-kii bishii hore ee Noofambar .
Isagoo ka hadlayay dood-cilmiyeed ka dib doorashada, Ethekon wuxuu difaacay kalsoonida codbixinta dhawaan dhacday, isagoo sheegay in nidaamka doorashada hadda loo qaabeeyey si meesha looga saaro wax-is-daba-marin .
Wuxuu raaciyay in dhammaan foomamka natiijooyinka laga heli karo goobaha codbixinta, lagu daabacay bogga IEBC, iyo in la isku eego xarumaha tirinta, taasoo hubinaysa hufnaan buuxda.
Madaxa IEBC wuxuu qiray in la kordhiyay feejignaanta saraakiisha guddoomiyayaasha IEBC iyo hay’adaha amniga.
Wuxuu xusay in inkastoo dhowr dhacdo la soo tabiyay oo ay ku jiraan dhibaataynta shaqaalaha IEBC iyo isku dayga lagu doonayay in lagu farageliyo geeddi-socodka aysan saameynin daacadnimada natiijada.
Wuxuu ballan qaaday in guddigu uu sii wadi doono horumarinta tignoolajiyada, tababarka, iyo hufnaanta ka hor Doorashada Guud ee 2027.




