Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika oo ka walacsan xaaladda Kenya

0
332

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee (AUC) Moussa Faki ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dibadbaxyada ee ka taagan waddanka.
Waxaa uu dhinacyada kala duwan ku boorriyay in ay is dejiyaan oo fursad la siiyo wada hadallo lagu xallin karo tabashooyinka ay mudaaharaadyada ka dhasheen.
Waxaa uu tilmaamay in Midowga Afrika uu dowladda iyo shacabka Kenya ugu baaqay in ay nabadgalyada ammaanka iyo xasilloonida ay ku dadaalaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ay abaare 6:36 maqribnimo ee shalay ay sheegtay in ugu yaraan 31 qof la dhaawacay halka ilaa 5 kalena toogasho lagu dilay.
Dhanka kale, waxaa uu khasaare hantiyeed soo gaaray ganacsatada bartamaha magaalada Nairobi oo ay ka mid yihiin milkiilayaasha dukaammada waawayn ee laga adeegto.