Guddoomiyaha golaha hoose ee Wajeer oo war ka soo saaray magacaabidda barasaab ku xigeenka

0
354

Guddoonka golaha hoose ee ismaamulka Wajeer ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in magaca Haashim Muuse Yuusuf loo gudbiyay guddiga turxaan bixiya mas’uuliyiinta la soo magacaabo.
Tani ayaa timid ka dib markii baraasabka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar uu Haashim u soo xushay inuu ku xigeen u noqdo.
2-dii bishan ayay ahayd markii uu guddoomiyaha golaha hoose ee Wajeer u qoray warqad arrinkan ku aaddan.
Galinkii dambe ee shalay ayaa magacaabidda barasaab ku xigeenka lala wadaagay wakiillada laga soo doortay deegaannada hoose ee Wajeer iyo kuwa golahaasi ku galay sida magacaabidda ah.
Waxaa lagu wadaa in Haashim Muuse oo macallin ah loo turxaan bixiyo jagada guddoomiye ku xigeenka dowlad deegaanka Wajeer.