Guddoomiyaha golaha hoose ee Wajeer oo madaxweynaha ka codsaday in uu wax ka qabto koronta la’aanta ismaamulkaasi

0
298

Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Wajeer Cabdille Yuusuf ayaa ka hadlay koronta la’aanta ka jirta dowlad deegaankaasi.
Xilli uu wareysi siiyay taleefishinka maxalliga ah ee Citizen ayuu sheegay in ku dhawaad saddex toddobaad aysan wax koronto ah ka jirin magaalada Wajeer iyo tuulooyinka hoostaga.
Waxaa uu xusay in si guud ismaamulkaasi uu isticmaalo naaftada si looga dhaliyo korontada.
Mr. Cabdille ayaa intaasi ku daray in la hirgeliyay adeegsiga naaftada sanadkii 1967-kii.
Waxaa uu tilmaamay in korontada ay muhiim u tahay howlaha dowladda si gaar ah canshuur uruurinta iyo kobaca dhaqaalaha ee wadanka.
Korontada ayuu sheegay inay tahay shaqada dowladda dhexe iyo shirkadda korontada dalka ee KPLC, islmarkaana laga doonaya in arrintan wax ka qabtaan.
Guddoomiyaha golaha wakiillada hoose ee ismaamulka Wajeer Cabdille Yuusuf ayaa xusay in maadaama ay foodda nagu soo hayso bisha barakaysan ee Ramadaan, sidoo kalena ay jiraan abaaro daran ay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto arrimaha koronta la’aanta dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ka codsaday in ismaamulka Wajeer la geeyo adeeg koronto oo joogta ah, taas oo uu sheegay inay ka cabanayeen muddo 60 sano ah.