Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Siaya George Okode ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu jiro mooshin xilka looga qaadaya barasaabka dowlad deegaankaasi James Orengo.
Okode oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in wararka arrinkan tilmaamaya ay yihiin kuwo been abuur ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in haddii uu jiro mooshin ka dhan ah barasaabka inuu dadweynaha la wadaagi lahaa.
Okode ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo xubnaha golaha hoose iyo guddoomiyaha ismaamulka Siaya.
Tani ayaa ku soo aadaysa ka dib markii ay wakiillada ismaamulka Meru xil ka qaadis ku sameeyeen barasaabkii ismaamulkaasi Kawira Mwangaza.
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha golaha hoose ee Siaya oo beeniyay mooshin xilka looga qaadaya Orengo