Guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi oo ballanqaaday inuu la shaqeynaya barasaabka caasimadda

0
439

Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Nairobi Ken Ng’ondi oo dhawaan la doortay ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu la shaqeeyo barasaabka magaala madaxda wadanka Johnson Sakaja in kastoo ay xisbiyo kala duwan ka tirsan yihiin.
Ken ayaa matalaya isbeheysiga mucaaradka ee Azimio halka Sakaja uu ka tirsan yahay garabka talada dalka haya ee Kenya Kwanza.
Ken Ng’ondi oo shalay warbaahinta kula hadlay xaafadda Embakasi ayaa wacad ku maray inay dadweynaha u adeegi doonaan iyadoo aan la eegayn kala duwanaansho siyaasadeed.
Waxaa uu ku celceliyay inaynan u furnayn waddo kale oo aan ahayn inay garab siiyaan Sakaja.
Guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la iska ilaaliyo wax waliba oo caqabad ku noqon karo u adeegidda shacabka.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu mideyn doono siyaasiyiinta golaha dowlad deegaanka Nairobi aqlabiyadda ku leh iyo kuwa laga tirada badan yahay labaduba.
Mr. Ken ayaa xaqiijiyay inuu dhinacyada kala duwan ee siyaasadda fursad siman u siin doono inay doodahooda soo bandhigaan.