Guddoomiyaha gobolka Florida ee dalka Maraykanka Ron DeSantis ayaa qalinka ku duugay xeer mamnuuc ka dhigaya in haweenka ay iska soo ridaan carruurta ay uurka ku sidaan.
Ilaa 13 gobol oo kale oo ka tirsan Maraykanka ayaa horay xeerkan looga meel mariyay.
Nidaamka ayaa qeexaya in haweenka aynan iska soo xaaqi karin ilmaha ay uurka ku sidaan 6 isbuuc iyo wixii ka horreeya.
Tallaabada uu qaaday guddoomiyaha Florida ayaa timid ka dib markii 70 ka mid ah xubnaha golaha wakiillada ee gobolkaasi ay shalay xeerkan codkooda ku taageereen iyadoo 40 ay ka soo horjeesteen.