Guddoomiyaha Garissa oo ku baaqay in la dardargeliyo baaritaannada dabkii saameeyay xarunta golaha hoose

0
554

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa saraakiisha ammaanka ugu baaqay in ay dardargeliyaan baaritaannada la xiriira dabkii maalmo ka hor baabi’iyay qaybo ka mid ah xarunta golaha hoose ee dowlad deegaankaas.
Waxaa uu sheegay in ciidamada laga doonayo in ay soo bandhigaan sababta keentay in xaruntaas ay gubato.
Shacabka Garissa ayuu dhanka kale ku boorriyay in ay joojiyaan dacaayadda ama faafinta wararka aan xaqiiqda ku saleysnayn ee ku aaddan dhacdadaas .
Barasaabka ayaa sidoo kale wakiillada golaha hoose ee Garissa u ballanqaaday in maamulkiisa uu siinayo taageerada ay u baahan yihiin.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu tagay goobta gubatay si uu u qiimeeyo baaxadda burburka ka dhashay dabka.
Dhacdadaas ayuu ku tilmaamay mid nasiib darro ah oo waxyeeleysay boqolkiiba 70 ee dhismooyinka golaha.
Cali Bunow Qorane ayaa carrabka ku adkeeyay in golaha fulinta ee Garissa iyo hoggaanka golaha hoose ay ka wada shaqeyn doonaan xal ku meel gaar iyo mid fog labaduba si wakiillada ay waajibaadkooda u gutaan marka ay ka soo laabtaan fasaxa shaqo ee ay ku maqan yihiin.
Guddoomiyaha golaha hoose ee Garissa Axmad Ibraahim Cabbaas ayaa dhankiisa sheegay in dabku uunan burburin xafiiskiisa, midka karaaniga , xafiisyada hoggaamiyaha aqlabiyadda , madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay , maaliyadda iyo qaybta soo iibsashada agabka.