Guddoomiyaha barlamaanka Isiolo oo is casilay

0
111

Guddoomiyaha baarlamaanka ismaamulka Isiolo Mohamed Roba ayaa xilka iska casilay kadib iyadhoo ay isa soo tareyso xiisada iyo isku daygii ay wakiilada barlamaanka ay ku doonayeen in xilka looga xayuubiyo barasaab Cabdi Guyo.
Iscasilaada Roba waxaa lagu sheegay warqad rasmi ah oo ku taariikhaysan 18-ka June 2025, kuna socota karraaniga golaha deegaanka, isaga oo u daliishanaya “sababo gaar ah” go’aankiisa uu ku doonayo inuu xilka kaga tago.
Roba ayaa u mahadceliyey saaxiibadiisa iyo shaqaalaha maamulka degmada oo gacan weyn ka geystay mudadii uu ahaa afhayeenka iyo guddoomiyaha guddiga ismaamulka Isiolo.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Roba iyo koox kale oo wakiilada degmooyinka Isiolo ah ay si qarsoodi ah uga howlgalayeen magaalada Machakos si ay u qorsheeyaan habka xil ka qaadista.
Si kastaba ha ahaatee, dadaalka ayaa la hakiyay ka dib amar maxkamad sare ka soo baxay 17-kii bishan oo lagu hakiyay dacwadda xil ka qaadista. Garsoore Heston Nyaga ayaa waxa uu bixiyay amarada ilaalinta kadib markii uu xaq u helay codsigii guddooomiye Guyo, kaas oo doonayey in la joojiyo nidaamka ilaa dhageysi buuxa laga gaaraayo.
Kaddib amarkii maxkamadda, Karaaniga Golaha Deegaanka Salaad Boru Guracha ayaa waxa uu baabi’iyay dhammaan fagaarayaasha ka qaybgalka dadweynaha ee loo qorsheeyay 18-ka bishan oo maanta ah kuwaas oo la doonayay in dadka deegaanka lagala tashto mooshinka xil ka qaadista.
Mooshinkan oo uu soo gudbiyay wakiilka degmada Sericho Abubakar Godana ayaa waxa uu taageero loo dhan yahay ka helay dhammaan 18-ka wakiil ee laga soo doortay deegaanada kala duwan ee Isiolo. Mooshinkan ayaa Guddoomiye Guyo ku eedeeyay inuu ku kacay wax-is-daba-marin, ku xad-gudbi dastuurka, ku takri-fal xilka iyo ku-takri-falka hantida dadweynaha.
Eedeymaha gaarka ah ayaa waxaa ka mid ah in uu guuldareystay in la daboolo yoolalka dakhli uruurinta, kormeerida mashaariicda horumarineed ee hakad galay, magacaabista 36 lataliye iyo 31 sarkaal oo muran badan dhalisay in kasta oo dowlad deegaanka Isiolo ay hesho mid ka mid ah qoondada dakhliga ugu hooseeya ee heer qaran.
Godana ayaa waxaa uu soo qaatay ku xad-gudubka Cutubka Lixaad ee Dastuurka, Xeerka Hoggaaminta iyo Daacadnimada iyo Xeerka Anshaxa Shaqaalaha Dowladda, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga.