Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo cambaareeyay qaraxyadii Muqdisho

0
347

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamad Nuur (Madoobe) ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii lala beegsaday dad shacab ah oo marayey waddada Soobe ee aan waxba galabsan waxaana uu ku tilmaamay mid wuxushnimo ah.
Waxaa uu dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay dhacdooyinkaasi Alle uga baryay caafimaad degdeg ah halka kuwii geeriyooday uu Eebe u waydiiyay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan Al-Shabaab oo ayna garab isku siiyaan sidii Soomaaliya looga cirib tiri lahaa