Guddoomiyaha baarlamaanka oo loogu baaqay inuu is casilo

0
405

Xildhibaanadda laga soo doortay deegaanka Kandara ee ismaamulka Murang’a Alice Wahome ayaa guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi u soo jeediyay inuu xafiiska baneeyo maadaama dhawaan loo caleemo saaray afhayeenka gobolka bartamaha wadanka.
Wahome ayaa ku doodaysa in Muturi laga doonayo inuu diiradda saaro xilka cusub ee loo dhiibay.
Haweeneydan ayaa guddoomiyaha baarlamaanka ku eedeysay inuu hoggaaminta bulshada gobolkaas kala wareego madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxa ay intaasi ku dartay in ay habbonayd in Mr. Muturi uu sugo ilaa madaxweynaha oo isna gobolkaasi ka soo jeedo uu ka wareejinayo talada dalka.
Waxaa sidoo kale arrinkan ka hadlay senatarka ismaamulka Murang’a Irungu Kang’ata oo sheegay in aynan aqoonsanayn jagada loo magacaabay Muturi oo ay siyaasad ahaan taabacsan yihiin ku xigeenka madaxweynaha William Ruto .