Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu shaaciyo ilaa toddobo go’aan oo muhiim ah oo la xiriira qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Ka dib marka lagu dhawaaqo go’aamadan ayaa la ogaan doona qaabka loo wajahaya meel marinta hindise sharciyeedka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xubnaha baarlamaanka ay su’aalo geliyeen tallaabada xigta ee la doonayo in la qaado oo ay ka mid tahay in qoraalka BBI dib u eegis dheeraad ah lagu sameynaya iyo in kale.
Qodobbada muranka dhaliyay waxaa ka mid ah soo jeedinta la xiriirta in la soo dhiso 70 deegaan baarlamaneed oo dheeraad ah tani oo xildhibaanada qaar ay dalbanayaan in meesha laga saaro.
Mudanayaasha ayaa ku doodaya in deegaan baarlamaneed lagu soo kordhiyo wadanka ay tahay shaqada guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Mr. Justin Muturi ayaa looga fadhiyaa inuu cadeeyo in ay jiraan isbeddelo aan dastuurka wadanka waafaqsanayn oo u baahan in dhinac la iskaga dhigo.
Sidoo kale waxaa uu faahfaahin doonaa in qaabka habboon ay tahay in baarlamaanka uu meel marinayo isbeddellada la soo jeediyay ama afti la qabanaya.
Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa uu caddeyn doona in tan iyo xilligii la billaabay qorshaha sharci beddelka ee BBI, shacabka si buuxda looga qayb geliyay in ay afkaartooda ku biiriyaan.