Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetang’ula ayaa soo dhaweeyay barnaamijka caafimaadka guud ee UHC ee uu Jimcihii daahfuray madaxweynaha wadanka William Ruto.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Bungoma ayuu Wetang’ula sheegay in daahfurka qorshahan caafimaad ay muujinaysa in dowladda dhexe ay ka go’an tahay wanaajinta daryeelka ay helaan shacabka.
Waxaa uu si gaar ah u bogaadiyay in dadka ay waxyeellada ka soo gaarto shilalka iyo kuwa qabo xanuunnada raaga inay heli doonaan daaweyn lacag la’aan ah.