Guddoomiyaha baarlamaanka oo dalbaday warbixin ku saabsan Worldcoin

0
438

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa dalbaday in loo soo gudbiyo warbixin ku saabsan tallaabooyinka ka hor tagga ah ee ay qaadday dowladda dhexe ee ka dhan ah Barnaamijka ganacsi ee Worldcoin.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayuu amar ku siiyay inuu warbixintan la soo wadaago golaha.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki uu soo saaray amar lagu hakinaya howlaha shirkadda Worldcoin maadaama ay socdaan baaritaano ka dhan ah.
Baaritaannada ayaa lagu xaqiijinaya qaabka loo adeegsan karo macluumaadka kenyaanka barnaamijkan iska diiwaangeliyay.