Guddoomiyaha baarlamaanka oo Azimio ugu baaqay wada hadal kala dhexeya dowladda

0
315

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa sheegay inay muhiim tahay in madaxda ay ka wada xaajoodaan arrimaha dhanka hoggaanka iyo horumarka qaranka ee la isku haya.
Wetangula ayaa xusay in arrimaha canshuurta , cunno yarida iyo qiimaha sarreeya ee shidaalka aan loo baahnayn in siyaasad ahaan loogu kala qaybsamo.
Hadalka Wetangula ayaa ku soo aadaya iyadoo ay saqdii dhexe ee xalay ay dhammaatay muddo 14 cisho ahayd oo uu madaxa isbeheysiga mucaaradka Raila Odinga u qabtay dowladda si ay hoos ugu dhigto qiimaha sare ee maciishadda ka hor inta aynan guud ahaan wadanka ka dhigin dibadbaxyo waawayn.