Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa ansixiyay wargelin gaar ah oo loo gudbiyay taasi oo la xiriirta mooshin la doonaya in xilka looga xayuubiyo wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee wadanka Mithika Linturi.
Waxaa mooshinkan soo saaray xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Bumula , Wanami Wamboka.
Wetangula ayaa sheegay in mooshinka uu buuxiyay shuruudaha la doonaya ee dhanka habraaca ah si baarlamaanka loo hor geeyo oo uu uga doodo.
Mithika Linturi ayaa lagu eedeyay inuu dastuurka ku xadgudbay oo uunan ka hor tagin in beeralayda laga iibiyo bacrmin aynan tayadeedu gaarsiisnayn heerkii la rabay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu wasiirka beeraha ee dalka gaashaanka u daruuray ololaha xilka looga qaadaya oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan.
Waxaa uu xusay in aan marnaba laga mashquulin doonin gudashada waajibaadka uu u igmaday madaxweynaha dalka William Ruto.
Wamboka ayaa sheegay in mooshinka ka dhanka ah Linturi ay saxiixeen ilaa 110 ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka .