Guddoomiyaha baarlamaanka oo amray in ilaalada loo soo celiyo siyaasiyiinta mucaaradka

0
391

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha qaran ee xeer dejinta ahna xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu , Kimani Ichungw’ah ku amray inuu la xiriiro wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki.
Tani ayaa looga gol-leeyahay xaqiijinta sidii 22 ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya loogu soo celin lahaa saraakiishii ilaalinaysay ee lagala laabtay.
Arrintan ayaa timid ka dib markii mudanaha deegaanka Nyando, Jared Okello uu shaaca ka qaaday in dib loogu yeeray ilaaladii mas’uuliyiinta mucaaradka.
Okello ayaa carrabka ku adkeeyay in badqabka xildhibaannada aanan marnaba halis la gelin karin arrimo siyaasadeed awgood.
Waxaa uu intaasi ku daray in lagu kala duwanaan karo aragtida siyaasadeed balse aynan taasi micnaheedu ahayn in xildhibaan uu noqon karo ilaalo la’aan.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in madaxda isbeheysiga Azimio sida Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka iyagana lagala laabtay ilaalada tani oo ay Talaadadii walaac ka muujisay Martha Karua.
Waxaa dareenka mudanaha Nyando kuwo la mid ah muujiyey dhigiisa deegaanka Rarieda Otiende Amollo iyo John Mbadi oo si magacaabid ah ku galay baarlamaanka.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichungw’ah ayaa dhankiisa sheegay inuunan marnaba taageerayn in loo yeero ilaalada xildhibaanka iyadoo siyaasad lagu saleynaya.
Hasa ahaate Moses Wetangula ayaa mudanayaasha ugu baaqay inay is dejiyaan oo ayna ka waantoobaan siyaasadda aan wanaagsanayn maadaama ay mas’uul ka yihiin malaayiin kenyaan ah wuxuuna hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ka dalbaday inuu ka sal gaaro eedeynta loo jeediyay dowladda ee uunan maamulka talada haya weli faahfaahin.