Guddoomiyaha baarlamaanka dalka kenya oo taageero dhaqaale u ballan qaaday IEBC iyo NCIC

0
600

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa sheegay in golaha qaran ee xeer dejinta uu dardargelin doono taageero dhanka xeerarka iyo dhaqaalaha ah oo loo fidinaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee IEBC iyo guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socday NCIC oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga ,Samuel Kobia.
Mr. Kobia ayaa dhankiisa ballan qaaday in guddiga NCIC arrimaha uu dalka wajahaya u maareyn doono si aan eexasho iyo cid u daneyn lahayn.
Waxaa uu Wetang’ula hoosta ka xarriiqay in guddigan uu door muhiim ah ka qaato xaqiijinta midnimada iyo wadajirka qaran.
Waxaa uu intaasi ku daray in baarlamaanka dalka uu diyaar u yahay dejinta iyo ansixinta xeerar lagu sii xoojinaya waajibaadka iyo awoodaha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC.
Wetang’ula ayaa sheegay in Kenya ay u baahan tahay jawi nabad ah si horumar loo gaaro.
Waxaa uu dhanka kale shacabka ku boorriyay in ay garab siiyaan guddiga IEBC oo dhawaan dib loo dhisay.