Guddoomiyaha baarlamaanka dalka oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka

0
225

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa kulan la yeeshay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov oo xafiiskiisa ku booqday.
Wetangula ayaa sheegay in isaga iyo Lavrov ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo lagu xoojinaya xiriirka labada dowladood.
Sidoo kale waxay isla eegeen ka qayb galka dowladda Kenya ee shirka u dhexeya Afrika iyo Ruushka ee la qaban doono bisha Toddobaad ee sanadkan oo ka qabsoomaya magaala xeebeedda St. Petersburg ee wadanka Ruushka.
Wetangula ayaa qoraal ku sheegay inuu xoojin doono saaxiibtinnimada ka dhexeysa baarlamaannada labada waddan si ay barnaamijyo , khibrado, mabaadii’ iyo horumarka tiknolojiyadeed iskudhaafsadaan maadaama loo gudbaya qaababka casriga ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen sida sare loogu qaadi karo iskaashiga Kenya kala dhexeya Ruushka ee dhanka waxbarashada , ganacsiga , wax soo saarka beeraha, dalxiiska, caafimaadka , sayniska, tiknolojiyadda iyo dhinacyo kale.