Guddoomiyaha aqalka sare oo baaq u diray senatarrada la soo dooran doono

0
451

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa senatarrada ka dib doorashada 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ku soo biiri doono baarlamaanka 13-aad ugu baaqay inay mudnaanta koowaad siiyaan ansaxinta xeerka xilka qaadista mas’uuliyiinta.
Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay dardargelin doonto geeddisocod wax ku ool ah.
Luska ayaa arrin laga qoomamoodo ku tilmaamay in intii uu aqalka sare oo hadda la kala diray uu hoggaaminayay aynan ku guulaysan meel marinta hindise sharciyeedka ku aaddan hab-raaca xilka qaadista.
Senatarrada iyo xubnaha golaha qaran ee xeer dejinta ayaa hadda fursad buuxda u haysta ka qayb qaadashada ololaha siyaasadeed ee loogu jiro codeynta guud.