Guddoomiyaasha ismaamullada oo loogu baaqay inay taageeraan hindise maaliyadeedka 2023

0
249

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa barasaabyada ismaamullada ka codsaday inay taageeraan hindise maaliyadeedka sanadkan.
Waxaa uu sheegay in tallaabooyinka dhanka canshuuraha ee ku xusan qorshahan ay dowladda sare ka caawin doonaan inay hesho dakhli la siinaya ismaamullada.
Gachagua ayaa xusay in maamulka wadanka hoggaamiyo ee Kenya Kwanza uu qaatay go’aan cad oo ah inuunan qaadan amaah lagu bixinaya mushaaraadka shaqaalaha sidaasi awgeedna uu door biday in howshan loo adeegsado canshuurta maxalliga ee la uruuriyo.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa intaasi ku daray in Kenya lagu leeyahay amaah lacageed oo dhan 10 Triliyoon oo shilin oo ay dowladdu weli bixinaysa.