Guddoomiyaasha guddiyada baarlamaanka oo la doortay

0
295

Guddiyada kala duwan ee baarlamaanka ayaa doortay guddoomiyaashooda iyo ku xigeenadooda.
Xildhibaanka deegaanka Endebes Dr .Robert Pukose ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga arrimaha caafimaadka ee baarlamaanka halka ku xigeen looga dhigay dhigiisa Chuka Igambang’ombe Patrick Munene.

Mudanaha bariga Marakwet Kangogo Bowen ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha badaha iyo waraabka.
Waxaa ku xigeen u ah dhigiisa bariga Kuria ,Marwa Maisori Kitayama.

Mudanaha deegaanka Belgut ,Nelson Koech, ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga arrimaha difaaca ee baarlamaanka waxaana ku xigeen u ah dhigiisa Waqooyiga Mandera Major Bashiir Cabdullahi.

 

Xildhibaanka deegaanka Mwala ee ismaamulka Machakos, Vincent Musyoka Musau ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee arrimaha tamarta waxaana ku xigeen u ah dhigiisa bariga Narok Aramat Lemanken.

 

Dhanka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran waxaa guddoominaya Gabriel Tongoyo Koshal oo ah mudanaha galbeedka Narok halka Raso Dido Cali oo matala shacabka Saku uu ku xigeen u yahay.

 

 

Xubnaha guddiga cayaaraha iyo dhaqanka ayaa mudanaha galbeedka Webuye Daniel Wanyama u soo xushay inuu guddoomiye u noqdo waxaana caawin doono dhigiisa deegaanka Kabete James Kamau.

Guddiga arrimaha tacliinta ee baarlamaanka waxaa guddoomiye looga dhigay Julius Kibiwott Melly oo laga soo doortay Tinderet halka ku xigeen uu u yahay xildhibaanka Malava Patrick Malulu Injedi .

 

Guddiga baarlamaanka ee arrimaha isgaarsiinta , warfaafinta iyo hal-abuurka waxaa guddoomiye u ah mudanaha Koonfurta Dagoretti ,John Kiarie waxaana ku xigeen u noqonaya dhigiisa Bomachoge Chache, Alfah Ondieki Miruka.