Guddiga xuquuqul insaanka ee dalka ee (KHRC) ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu uga soo horjeedo magacaabidda 19 wasiirro ah oo shalay xilalkooda loo dhaariyay.
Guddigan ayaa ku doodaya in dadweynaha aan si buuxda looga qayb gelin in ay aragtidooda ku biiriyaan wasiirrada la soo magacaabay.
Sidoo kale KHRC ayaa sheegaysa in geeddisocodkii turxaan bixinta ee uu baarlamaanka dalka sameeyay uu ahaa fashil maadaama aan lagu dheeraan xaqiijinta heerka hufnaanta mas’uuliyiintan.
Guddigan ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay horseedaysa in xafiisyada ay la wareegaan dad aan u qalmin ama looga sii wanaagsan yahay taasi oo dhaawacaysa kalsoonida shacabka ee dhanka maamul wanaagga.
Sidoo kale doodda guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka waxaa qayb ka ah in baarlamaanka uunan ka hor turxaan bixinta soo bandhigin nuxurka afkaarta ay soo gudbiyeen kenyaanka.
Waxaa uu guddigan doonaya in maxkamadda ay waxba kama jiraan ka soo qaado magacaabidii golaha wasiirrada dalka oo ay ku qeexdo mid aan waafaqsanayn dastuurka waddanka.
Sidoo kale , KHRC ayaa dalbanaysa in madaxweynaha dalka William Ruto lagu amro inuu wasiirro cusub soo magacaabo.