Guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka oo baaq u diray xoghayeyaasha wasaaradaha

0
342

Guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka dalka ayaa xoghayeyaasha wasaaradaha dowladda dhexe ugu baaqay inay si dhameystiran u soo diyaar garoobaan ka hor inta aynan ka soo hormuuqan golaha xeer dejinta.
Guddoomiyaha guddigan John Mbadi ayaa sheegay in xoghayaha marka loo yeero looga baahan yahay inuu si faahfaahsan uga jawaabo su’aallaha la xiriira hanti dhowrka ee wasaaradda uu ka tirsan yahay.
Waxaa uu sheegay in mas’uuliyiintan qaar ka mid ah oo aan si buuxda u soo diyaar garoobin ay sababto in dib loo dhigo fadhiyada guddiga.
Mbadi ayaa xusay in hadda ka dib aynan fursad dheeraad ah siin doonin xoghayeyaasha codsanaya in waqti kale loo qabto.
Hadalka John Mbadi ayaa ku soo aadaya ka dib markii xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka Mr. Charles Hinga uu guddiga PAC ka codsaday muddo dheeraad ah si uu uga soo jawaabo su’aallaha hanti dhowrka ee sanad maaliyadeedkii 2020/2021-kii.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka Tindi Mwale ayaa sheegay in aynan jirin sabab Mr. Hinga loogu oggolaan karo muddo dheeraad ah maadaama uu waaxdan horay uga tirsanaa.
Hasa ahaate guddiga ayaa ugu dambeyn xoghayaha u qabtay muddo bil ah oo uu faahfaahin uga soo bixinaya arrimaha la waydiiyay.