Guddiga wada hadallada siyaasadeed oo diiradda saaraya soo dhisidda IEBC

0
229

Xubnaha guddiga ka kooban 14 ee kala matalaya isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya iyo dowladda ayaa maanta billaabaya wada hadallada ay yeelanayaan.
Waxay ka wada xaajoon doonaan 12 qodob iyagoo sheegay inay mudnaan siin doonaan sida lagu soo dhisay guddiga buuxinaya jagooyinka bannaan ee guddiga doorashooyinka dalka ee IEBC.
Qodobkan ayaa noqonaya midka ugu muhiimsan ee laga wada hadli doono labada toddobaad ee nagu soo aaddan.
Sidoo kale guddigan ayaa warqado u qoray guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula iyo dhigiisa aqalka sare Amason Kingi waxayna doonayaan in si rasmi ah loogu ansixiyo howlaha loo igmaday.
Tani ayaa timid ka dib markii dhinacyada wakiilka ka ah mucaaradka iyo dowladda ay isku afgarteen nidaamka hagaya wada hadallada 60 cishe.
Sidoo kale guddigan ayaa dadweynaha ka codsaday inay warbixinnadooda u soo gudbiyaan.