Baarlamaanka dalka ayaa muddo kordhin u sameeyay xubnaha guddiga ku howlan wada hadallada qaran ee siyaasadeed.
Wada xaajoodyada u dhexeya isbeheysiga Kenya Kwanza iyo garabka mucaaradka ee Azimio ayaa lagu qabanaya xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Guddigan ayaa codsaday in la siiyo muddo bil dheeraad ah oo ka billaabanaysa 28-ka bishan Tobnaad si ay wada tashiyada u soo gabagabeeyaan.
Waxay sheegeen inay doonayaan in ay warbixintooda gudbiyaan 26-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Muddo kordhinta laga oggolaaday waxaa shaaciyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah oo sidoo kale Kenya Kwanza ku hoggaaminaya wada xaajoodyada.
Waxaa uu intaasi ku daray in xubnaha guddigan laga doonayo inay hoggaanka isbaheysiyadooda ay warbixin la wadaagaan ka hor ama ugu dambeyn 26-ka bisha dambe.
Guddigan ayaa lagu soo dhisay qaraar uu baarlamaanka ansixiyay 29-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa xilligaasi loo qabtay muddo 60 cishe ah oo ay uga wada hadli karaan arrimaha khuseeya kenyaanka.
Waxyaabaha ay hadda weli eegayaan waxaa ka mid ah arrimaha dastuurka, cadaaladda dhanka doorashooyinka, arrimaha maaliyadda ee dastuuriga ah, soo dhisidda iyo xoojinta xafiisyada dowladda, xeerarka xisbiyada badan iyo dimuqraadiyadda iyo u hoggaansanka xeerarka daacadnimada ee xisbiyada ama isbeheysiyada siyaasadeed.