Guddiga wada hadallada qaran oo ku heshiiyay in diiradda la saaro sicir bararka nololeed

0
299

Guddiga ku howlan wada hadallada qaran ee siyaasadeed ee matalaya isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio La Umoja-One Kenya ayaa ku heshiiyay in mudnaan la siiyo xal u helidda sicir bararka nololeed ee dalka ka jiro.
Arrintan ayay siyaasiyiinta garabka muxaafidka iyo mucaaradka ku kala qaybsanayeen ka hor inta aan is –afgarad laga gaarin sida ay warbaahinta u sheegeen Kalonzo Musyoka iyo Kimani Ichung’wah oo hoggaaminaya wada hadallada.
Waxay intaasi ku dareen in khuburrada dhanka dhaqaalaha lagu marti qaaday inay guddiga la wadaagaan soo jeedinnadooda ku aaddan qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Kimani Ichung’wah ayaa sheegay in qiimaha maciishadda aan hal fadhi looga hadli karin maadaama ay raadinayaan xal la adeegsan karo muddada dhow iyo xal muddo fog ah.
Waxaa uu intaasi ku daray inay haystaan ilaa 28-ka bisha 11-aad ee sanadkan oo ay rajeynayaan inay ku soo gabagabeeyaan wada hadallada ka dibna ay warbixin ugu gudbiyaan baarlamaanka.