Guddiga adeegga macallimiinta dalka ee TSC ayaa dib ugu yeeray qaar ka mid ah howlwadeenadiisa iyo barayaal fasax ku jiray.
Waxay dib shaqooyinka ugu soo laabanayaan bisha Tobnaad ee sanadkan.
Madaxa fulinta ee guddiga TSC, Nancy Macharia ayaa sheegtay in shaqaalaha iyo macallimiinta ay gacan ka gaysan doonaan u diyaar garowga iyo maareynta imtixaannada (KPSEA) iyo midka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee (KCSE).
Nancy Macharia ayaa sheegtay in dhammaan shakhsiyaadkan laga doonaya inay goobahooda shaqo iska xaadiriyaan 16-ka bisha Tobnaad.
Waxay dhanka kale wasaaradda tacliinta ee dalka u xaqiijisay in guddiga TSC uu dadaal buuxa ku bixin doono sidii loogu guulaysan lahaa maareynta imtixaannada.
Nancy Macharia ayaa intaasi ku dartay in TSC ay turxaan bixisay 223,223 oo macallimiin ah oo imtixaannada kormeeraya sidoo kalena ardayda ka ilaalinaya inay xatooyo sameeyaan halka 37,731 ay imtixaannada sixi doonaan.
Sidoo kale waxay sheegtay in maareeyaasha xarumaha imtixaannada oo gaaraya 71,760 ay ka qayb geli doonaan kulamada xog kala qaadashada ee lagu qabanaya deegaan baarlamaneedyada oo uu golaha qaran ee imtixaannada ee KNEC billaabi doono toddobaadka ugu horreeya bisha Tobnaad.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee dalka ayaa xustay in uunan jirin kormeere ama ilaaliyaha imtixaannada oo ku sugnaan doono xarun uu ka howlgalayay sanadkii hore.
Sidoo kale waxay Nancy Macharia cadeysay in maalmaha ay imtixaannada socdaan in maareeyaha xarunta iyo ku xigeenkiisa keliya loo oggolaan doono inay ku sugnaadaan gudaha dugsiga.
Dhanka kale waxay dhammaan barayaasha dalka uga mahadcelisay dadaalka ay ku bixiyaan wax baridda ardayda iyo in si dhameystiran ay ugu diyaar garoobaan imtixaannada qaran ee shahaadiga ah.