Guddiga tacliinta ee baarlamaanka oo soo gabagabeeyay baaritaano ku aaddana KCSE

0
292

Guddiga arrimaha waxbarashada ee baarlamaanka ayaa soo gabagabeeyay baaritaano ku aaddan wax isdaba marin la soo tabiyay xilligii imtixaannada qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare (KCSE-da) ee sanadkii hore.
Baaritaannada horudhaca ah ee uu sameeyay guddiga uu hoggaamiyo Julius Melley ayaa waxaa eedeyn loogu jeediyay golaha imtixaannada qaran ee KNEC taasoo ah inuu fududeeyay in imtixaanka uu ardayda u duso.
Xubnaha guddiga ayaa baaritaannada ku ogaaday inay jiraan qaar ka mid ah dugsiyada oo bixiya ilaa hal milyan oo shilin si ay ugu fududaato inay xilli hore helaan warqadaha imtixaanka si ay u dhowraan sumcadooda dhanka natiijooyinka wanaagsan.
Guddiga ayaa sidoo kale dhacdooyinka wax isdaba marinta u aaneeyay cadaadis saaran maamulayaasha oo ah inay dugsiyadooda soo hooyaan natiijo wanaagsan si guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu maamulaha u dallacsiiyo.
Xildhibaannada ayaa qorsheynaya inay waaxda dacwad oogidda dalka iyo laanta garsoorka la yeeshaan kulan ku saabsan eedeymaha dhinaca imtixaanaadka.
Wasiirka waxbarashada ee dalka ,Ezekiel Machogu ayaa horay u sheegay in imtixaankii KCSE-da ee sanadkii hore si wanaagsan loo maareeyay oo ay wasaaraddu adeegsatay siyaabo lagu xakameeyay khiyaanada.