Guddiga SRC oo sameeyay isbeddelo dhanka musharaadka ah

0
514

Guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC ayaa dib u eegis ku sameeyay musharaadka ay qaataan saraakiisha dowladda sida madaxweynaha, ku xigeenkiisa , wasiirrada , baarlamaanka iyo xubnaha golayaasha ismaamullada.
Tani ayaa timid ka dib qiimeyn dhinaca shaqooyinka ah oo uu guddigu sameeyay.
Sidoo kale waxaa isbeddelkan lagu saleeyay xaaladda dhaqaale ee wadanka.
SRC ayaa shaacisay in mushaarka billaha ee madaxweynaha uu yahay 1.4 milyan oo shilin.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa qaadan doono 1.2 milyan oo shilin.
Wasiirrada waxaa uu mushaarkoodu yahay 924,000 oo shilin.
Arrimahan ayaa waxaa shaaca ka qaaday guddoomiyaha guddiga SRC Lyn Mengich oo sheegtay in sidoo kale meesha laga saaray lacagaha gunnooyinka ee ay kal-fadhiyada ku qaadan jireen xildhibaannada baarlamaanka.
Ilaa iyo hadda ma cadda sida baarlamaanka xiga uu uga falcelin doono dib u eegista guddiga jaangoynta musharaadka iyo gunnooyinka shaqaalaha dowladda ee SRC.